Ardayda Jaamacadaha Puntland oo la barayo sida Baarlamaanku u shaqeeyo (VIDEO)

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Puntland Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ayaa tababar ku saabsan Barashada iyo fahanka Baarlamaanka, u furay arday ka socota Jaamacadda Puntland State University ( PSU), kuwaas oo barta Maamulka Dowliga ah.

Tababarka oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa Ardayda lagu siin doonaa casharo la xariira xoojinta iyo fahanka nidaamka dawladnimada, dawlad wanaagga iyo shaqada Baarlamaanka.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilladda Puntland ayaa kula dardaarmay Ardayda inay ka faa’ideystaan tababarka, ayna aqoonta ay bartaan ku celiyaan Arday kale iyo Bulshada ay ka yimaadeen.

Idilnews