Bannaan-bax ka dhan ah Mareykanka oo ka dhacay Addis Ababa iyo DDS (Sawirro)

Kumanaan Ruux ayaa bannaan-bax ka dhan ah Mareykanka iyo dalalka kale ee Reer galbeedka ka dhigay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, kuwaas oo diidan go’aanka Mareykanku uu xayiraada ugu soo rogay Masuuliyiin Itoobiyaan iyo Eretariyaan ah.

Sidoo kale, Bannaan-bax noocan oo kale ah ayaa ka dhacay qeybo kamid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Dhagaxbuur iyo Qabridahar.

Bannaanbaxan ayaa looga soo horjeedaa sida ay sheegeen dowladaha shisheeye ee farogelinta ku haya arrimaha gudaha Itoobiya iyo horumarka dalkaas, waxaana qaar kamid ah dadka bannaan-baxaya ay wateen Sawirrada Madaxweynaha Ruushka iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping.

Xiriirka Itoobiya iyo Mareykanka oo mar ahaa xulafo dhow ayaa aad u sii xumaanayay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Jeo Biden.