Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo casuumaad ka helay dhigiisa Pakistan

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa wada-hadal khadka Taleefoonka ah la yeeshay dhigiisa dalka Pakistan Sadiq Sanjrani. Labada Guddoomiye ayaa ka wada-hadlay arrimo badan oo ay kamid tahay iskaashiga labada dal ee dhinacyada Baarlamaanka.

Gudoomiyaha aqalka Sare ee dalka pakistan ayaana casuumaad rasmi ah u fidiyay dhigiisa Soomaaliya Cabdi Xaashi, si uu u tago dalka pakistan loona xoojiyo xiriirka labada dhinac, isaga oo sheegay in ay mudan tahay isdhaafsiga wufuud ka kala socota labada Baarlamaan si loo xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan ee dalalka Soomaaliya iyo Pakistan.

Dhanka kale Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa aqbalay islamarahantaana soo dhaweeyay casuumaada uu u fidiyay dhigiisa dalka pakistan mr Sadiq Sanjrani, isaga oo sheegay in ay muhiim tahay xoojinta xiriirka labada Baarlamaan
Iyadoo laga duulaayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo pakistan.

Kulankaan qadka taleefanka ah ee u dhaxeeyay labadaan mas’uul ayaa daba socday kulan dhinacya badan taabanayay oo malinnimadii jimcaha ahayd ku dhaxmaray magaalada islamabad ee caasimada dalka pakistan Danjiraha safaarada jamhuuriyada Soomaaliya ee dalka pakistan marwa Khadiija Maxamed Al-maqzuumi iyo gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka pakistan mr Sadiq Sanjrani.

Jibril Qoobey