Imaaraadka iyo Qatar oo xiriirkoodii soo hagaagayo

Warar laga helayo ilo Diblomaasi oo ku sugan Gobolka,ayaa sheegay in Dowladaha Masar iyo Sacuudigu ay wadaan dadaal lagu soo afjarayo khilaafka dalalka iyo Qaahira ay si ka dhakhso badan dalalka Qatar iyo Imaaraadka.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Qatar Shiikh Maxammed Bin Cabdulraxman Al-Thani,ayaa wareysi uu Jimcihii uu siiyay telefishanka Al Araby ee fadhigiisu yahay UK waxa uu ku sheegay in horumar wanaagsan laga gaaray wadahadalladii kala dhexeeyay Imaaraadka Carabta.

Isu soo dhowaanshaha Qatar iyo Imaaraadka Carabta wax weyn,ayuu ka beddeli karaa siyaasadda Gobolka, oo ay ugu horayso Somaliya, ayada oo labada dal ay loolan ku galeen.