Kulanka lagu taageerayo heshiiska Madaxda Soomaalida oo ka dhacay Boosaaso (VIDEO)

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan ayaa maanta waxa uu ka qeyb galay kulan lagu taageerayay heshiiska golaha wadatashiga qaran iyo doorkii shariifka ahaa ee uu ka qaatay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Gobolka Bari ayaa ka qabsoomay xarunta Maamulka Gobolka Bari.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Bosaaso, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Balidhidin, Guddoomiyaha Degmada Carmo, Siyaasiiyiin hore, isimo, Nabadoono, Haween, Dhalinyaro, qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Bari.