Maxay Masar Heshiisyo Milatari Ula Galeysaa Waddamada Itoobiya Deriska La Ah?

Madaxweyne C/fataax Siisi ayaa noqday madaxweynihi ugu horreeyey ee Masar oo booqdo dalka Jabuuti

Muuqaal kooban oo ay baahisay madaxtooyada Masar ayaa laga dheehanayaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhiggiisa Masar oo sheeka isweydaarsanaya isla-markaana dhoolla caddeynaya sida iyaga oo weligood isyqaannay.

Qaahirana waxay sheegtay ujeedda socdalka Sisi uu ku tagay Jabuuti iney tahay sidi loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale, milatari ama amni ee labada dal.

Booqashada Sisi waxaa ka sii horreeyey shixnad raashiin iyo gargaar caafimaad isugu jira oo ay Masar ay u dirtay Jabuuti.


Jabuuti ayaa ah dalka shanaad ee Itoobiya deriska la ah, iyada oo Masar seddexdii bilood ee la soo dhaafay ay xoojisay iskaashiga militari ee ay la leedahay waddamada Sudan, Ugnada, Burundi iyo Kenya.

Tallaabbadan Qaahira ay gobolka ka waddo ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo dhowdahay xilligi ay Itoobiya billaabeyso buuxinta labaad ee biya xireenka weyn ee ay Itoobiya dhiseyso, iyada oo ay sii kordhayaan hadallada kulul ee ay isdhaafsanayaan labada dal ee salka ku hayo wabiga Nile.


Dhoollatuska ciidan ee waddamadu sameeyaan
Bishii Maarso ee la soo dhaafay, Masar waxay heshiis militari la saxiixatay Suudaan, intii uu dalka Suudaan uu booqashada ku joogay Taliyaha Ciidanka Masar, Lieutenant General Mohamed Farid.

Ka dib markii uu heshiiskaasi saxiixay General Farid wuxuu carrabka ku adkeeyay in Masar ay dooneyso inay “xoojiso xiriirka ay la leedahay Suudaan oo dhinac walba leh, gaar ahaan dhinacyada militariga iyo amniga iyo midnimo iyadoo la eegayo istaraatiijiyadda gobolka iyo mid caalami ah.

Masar iyo Suudaan waxay sidoo kale dhawaan qabteen saddex dhoolatus milatari oo wada jir ah oo ay ugu magac dareen magacyada: “Nile Eagles 1” iyo “Nile Eagles 2”, oo kii ugu dambeeyay uu soconayo illaa dhammaadka bisha May ee sannadkan, laguna magacaabay “Difaacayaasha Niilka.”

Dhoollatuskan “Nile Protectors” waxaa ka qeyb galaya ciidamada dhulka, cirka iyo badda oo ka socda ciidamada qalabka sida ee labada dal. Masar oo kaalinta “tababarka” leh ayaa ku howlan sidii loo horumarin lahaa wada shaqeyn dhexmarta ciidamada qalabka sida ee Masar iyo Suudaan.”


Khabiirka sare ee Milatariga Masar, Sarreeye Guuto Safwat Al-Zayat, wuxuu sheegayaa in farqiga u dhexeeya dhoollatuska milatari ee wadajirka ah ee Masar iyo Suudaan “Ilaaliyayaasha Niilka” iyo wixii ka horreeyay, “The Nile Eagles 1” iyo “The Nile Eagles 2”, waxay muujineysaa iney ciidamadu u dhawaadeen xadka Suudaan iyo Itoobiya.

Al-Zayat wareysi uu siiyay BBC News Carabi wxuu ku sheegay arrimahan iney gacan ka geysanayaan in tani ay gacan ka geysaneyso sidii loo heli lahaa khibrad iyo tababar ku saabsan jawiga dagaal ee ka jira halkaas, oo ah midda ugu dhow bartilmaameedyada ay Masar kala macaamili karto militariga Itoobiya, haddii ay go’aansato inay sidaas sameyso.

Wuxuu intaasi ku daray iney ciidamada Suudaan iyo Masar ay ku soo dhawaadan bartilmaameedkooda ay sawir ka bixineysa waddamadu sida ay suurtagal u tahay haddii loo baahdo inu guluf colaaded qaadi karaan.
Iskaashiga Mukhaabaraadka
Sarreeya Gaas Sameh Saber Al-Degwi oo ah madaxa wafdiga Masar ahna ku xigeenka madaxa sirdoonka Masar, bayan uu soo saray oo ay dowladda Uganda daabacay , safaaradda Masar ee Kampalana ay dib u daabacday axaa lagu sheegay “Dalalka Masar iyo Uganda waa iney iskaashi ka yeeshaan arrimaha wabiga Nile maadaamaa labada dalba arrintaasi saameyn taban ku yeelaneyso.”

Maalma kaddibna waxay Masar waxay heshis Miltari oo kaa la mid ah la saxiixatay dalka Burundi.

Arbacadi la soo dhaafayna taliyaha guud ee militariga Masar wuxuu ku sugnaa dalka, iyada oo wasaaradda gaashaan dhigga Kenya ay sheegtay iney labada dal wada galeen heshiis iskaashi militari oo labad dal faa’ido badan u leh.

Masarna waxay sheegtay waddamada ay dhawaan heshiiska miltari la saxeexatay iyo waddamada kale oo gobolka ku yaallaba iney horay iskaashi miltari ula gashay.
“Itoobiya waa diyaar”
Itoobiya waxay faallo ka bixisay dhuullatuska militari ee looga magacdaray “Ilaaliyeyaasha Niilka” oo ay si wadajir ah u sameeyeen Masar iyo Suudaan.

“Xaq beey u leeyihiin labada dal iney sameystaan dhoollatus ciidan oo wadajir ah haddii ay u arkaan iney maslaxadooda ku jirta,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Dina Mufti.

Baraha bulshada ee Masar, Suudaan iyo Itoobiya waxaa hareeyay faallooyin ku saabsan suurtagalnimada iska hor imaad milatari oo u dhexeeya Masar iyo Suudaan oo dhinac ah, iyo Itoobiya dhinaca kale, iyo sidoo kale doodo ku saabsan awooda militari ee saddexda dal.

Falanqeeyaha siyaasadeed ee Itoobiya, Abdul Shakuur Abdul Samad, ayaa sheegaya in isbarbardhiga awoodaha militariga aan lagu xallin doonin tiro ahaan iyo xoogga hubka xaaladda gobolka ka taagan.

“Waxaan aaminsanahay iney heshiisyada Militari ee ay Masar la gaareyso waddamada gobolka iney muhiimad badan laheen arrinta biyo-xireenka ay Itoobiya dhiseysana aan xoog lagu xallin karin” ayuu yiri Abdulsamada oo ka faallooda arrimaha Itoobiya.

Masar, Suudaan iyo Itoobiya ayaan kuma guuleysan inay gaaraan heshiis ku saabsan buuxinta iyo ku shaqeynta biyo-xireenka, 10-kii sano ee wada-xaajoodka dhexmarayey.
Balse bilihii la soo dhaafay, areyda ay adeegsanayeen Masar iyo Suudaan ayaa ahaa kuwa kulul oo ka duwan kuwii horay loga bartay, xilli ay gudaha Itoobiyana ka socdaan kacdoon shacab oo dhinacya badan saameeyey.

Inkasta oo uu Mareykanka uu dadaal xooggan ugu jiro sidii ay seddexda dal ugu soo laaban lahaayeen wadaxaajoodka seddex geesoodka oo khilaafkana heshiis waara looga gaaro ka hor inta ay itoobiya buuxinta labaad ee biya xireenka billaabin, haddana Masar waxay sii xoojisay dadaalka ay ugu jirto taageero diblumaasiyadeed sidi ay caalamka uga heli lahayd.

Khubara badan oo dhuun daloola siyaasadda gobolka iyo khilaafka ku gadaaman wabiga Nile waxay aaminsan yihiin inuu sababi karo dagaal Militari oo seddexda dal ka dhax qarxo.

Balse talaabbada Militari ee ay khubaradu ka digayaan, Madaxweyne Sisi oo mar ka hadlay wuxuu sheegay, “Iney ka dhal karto xasilooni darra ka dhacda gobolka oo dhan, waxa ka iman karana an la saadaalin karin,”

BBC.