Muuse Biixi oo baaq ku aadan doorashooyinka u diray Shacabka Somaliand (VIDEO)

Madaxweynaha Somaliland, Muse Bihi Abdi, ayaa shacabka Somaliland u diray farriin la xariirta doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka Somaliland, kuwaas oo berri oo isniin ah ka bilaabanaya deegaanada Somaliland.

Madaxweyne Muse Bihi Abdi ayaa ugu baaqay inay Shacabka Somaliland si nabad ah u codayaan, isaga oo guul taariikhi ah ku tilmaamay in si nabadgelyo ah lagaga soo gudbay ololihii doorashada iyo waqtiyadii diyaargarowga ee ka horreeyey.