Puntland waa inay u diyaar-garowdaa sidii looga hortagi lahaa Al-Shabaab

Waxa aad arkayso waa shacabki Koonfurta Mudug oo Deegaamada ku hareeraysan Hobyo iyo Xarardheere lagala wareegay oo usoo barakacay Koonfurta Gaalkacyo.

Sidoo kale habeen dhawayd Wadada isku xirta Guriceel iyo Dhusamareeb waxay Shabaab kala dageen Gawaari Dad,halka Gawaari qaarkeedna ay gubeen.

Digniinta iyo baaqa kasoo yeeraysa dadkaas soo barakacay, waa in si dhab ah loo qaataa oo la yaqiinsadaa in Shabaab inta badan Galmudug qabsaday.

Ciidamada Puntland waa in heegan buuxa lagaliyaa l,gaar ahaan qaybta 60-aad ee Aagaga dhaca Xuduudka Saaxo iyo Towfiiq iyo dhanka Bada Ceel Dhanaan.

PMPF waa in ay degaan Ceel Dhanaan oo Fariisin looga sameeyaa rasmi ah.Dekada Garacad waa in aysan noqon difaaca Puntland ee waa in Ciidanku gaaraa deegaanada ka shisheeya Garacad ee Puntland.

Jibril Qoobey.