Qoysas ay soo barakaciyeen Al-Shabaab oo ku dhibaateysan duleedka Gaalkacyo (VIDEO)

illaa boqol Qoys oo kasoo barakacay deegaanada Koonfurta iyo Bariga Gobalka Mudug ee gacanta ay ku heyso kooxda Al-Shabaab, ayaa xaalad adag ku heysata kaamamka ku yaalla koonfurta magaaladda Gaalkacyo oo uu ka arimiyo Maamulka Galmudug.

Dadkan oo u badan Haween iyo carruur ayaa ugu baaqay Galmudug, DFS iyo Hay’adaha samafalka inay soo gaarsiiyaan gargaar deg-deg ah.