Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddi u saaray xubnaha lagu muransan yahay ee Guddiga doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi qiimeeya caddeymaha xubnaha guddiga farsamo ee doorashooyinka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in guddigan oo heer wasiir ah ay xaqiijin doonaan cadeymaha la xiriira xubnaha guddiga farsamada ee khilaafku ka jiro.

Heshiiskii ay dhowaan ku gaareen magaaladda Muqdisho Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa mid ka mid ah qodobada heshiisku tilmaamayay in Dowlad Goboleedyada ay u gudbiyaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha xubnaha guddiga doorasho ee uu khilaafku ka dhashay.