Taliyihii hore ee milatariga itoobiya General Tsadkan oo Buuraha Tigreega Kasoo Hadlay!

Major General Tsadkan Gebremehdin oo ahaa taliyaha milatariga itoobiya xiligii ay dagaalka kula jirtay Eritrea kahorna ahaa mid kamida hogaankii jabhada TPLF ee sanadkii 1991 xukunka ka tuurtay mengistu ayaa markale kasoo muuqday buuralayda deegaanka tigreega isagoo markan dagaal kula jira isla ciidankii uu shalay hogaamiyaha u ahaa ee itoobiya iyo kuwii uu la dagaalamayay ee eritrea oo xulafo ah.

Sargaalkan oo saaxada siyaasadeed ee itoobiya ka maqnaa mudo 20 sano kabadan ayaa ahaa mid kamida dadka ugu hantida badan itoobiya isagoo ahaa milkiilaha shirkad khamrida soo saarta oo Raya lagu magacaabo, balse markii uu dagaalku ka bilowday deegaanka tigreega waxa uu dib ula jabhadeeyay saaxiibadiisii shalay ee TPLF.

General Tsadkan ayaa muuqaal laga baahiyay TMH waxa uu shacabka tigreega ugu baaqay inay sii xoojiyaan dagaalka ay dib isugu xoraynayaan, dhankakale wuxuu sheegay in shacabka eritrea ay yihiin saaxiibka rasmiga ah ee tigreega balse ay dagaal kula jiraan Afworke oo uu ku tilmaamay mid dadkiisa ciqaabay.

Maruu ka hadlayay rajada ay TPLF qabto ayaa waxa uu sheegay inay dagaalka diblomaasiyada iyo kan qorigaba kaga gacan sareeyaan Xulafada itoobiya iyo eritrea, waa siduu hadalka u dhigaye.

Sdm