Turkiga oo ku gacan seyray dalab uu u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuukar, ayaa maanta booqday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Safiirka Turkiga Mehmet Yılmaz.

Labada Masuul ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada Wadan, iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Siyaasadda, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay safaaradda Turkiga.

Ilo-dublamaasiyadeed ayaa inoo sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibedda uu u tagay Safaaradda Muqdisho labo arimood, kuwaas oo kala ah:

1. In Turkigu uu fasaxo dhaqaalihii uu ku kabi jiray Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo uu joojiyay bilo kahor.

2. In Turkigu uu DFS kusoo wareejiyay Gaadiidka gaashaman ee dhowaan uu ugu deeqay Ciidanka Dowladda, kuwaas oo uu xayiray kaddib codsi ka yimid Midowga Yurub, oo ahaa inaan gaadiidkaas xilligan la wareejin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Safiirka Turkiga uu u sheegay in aysan soo celin karin dhaqaalaha illaa Dalka ay ka dhalato Dowlad heysata sharciyad rasmi ah, iyo in Gaadiidka lagu wareejin doono Dowladda cusub ee imaan doonta.

Jibril Qoobey