VIDEO: Puntland oo qabatay Sanaadikhda codbixinta Somaliland ee agagaarka Ceergaabo

Puntland ayaa sheegtey in ay gacanta ku dhigtay sanaadiiqda doorashada Somaliland, aga-gaarka degmada Ceerigaabo.

Raadiyaha Puntland ayaa baahiyey in ciidamada ammaanka Puntland ay qabteen sanaadiiq ay sheegeen in loo waday magaalooyinka gobolka Sanaag, madaama berri loo dareerayo doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka Somaliland.