Wasiirkii Arrimaha Gudaha Galmudug oo ka horyimid xil ka qaadistii lagu sameeyay (VIDEO)

Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), ayaa ka horyimid xil ka qaadis u ku sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Wasiir Cabdi Waayeel oo wareysi siinayay Dalsan TV ayaa sheegay in Madaxweyne kuxigeenka Galmudug uu ku sameyn karo shaqo joojin, balse uusan ku sameyn karin xil ka qaadis, sida uu dhigayo dastuurka Galmudug.

“Qaanuunka Galmudug u yaalla Madaxweyne kuxigeenku malahan xil ka qaadis Wasiir ee xil joojin buu leeyahay, warqadda uu soo saarayna waxay baal-marsantahay Dastuurka Galmudug” ayuu yiri Wasiir Cabdi Waayeel.

Cabdi Waayeel oo la weydiiyay in xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweyne kuxigeenku ay la xariirto dhismaha Golaha deegaanka degmadda Balanbale, ayaa xusay in Wasaaradda Arrimaha Guduhu ay xaq u lee dahay dhismaha Golayaasha deegaanka, wax cilad ahna aysan ku jirin dhismihiisa, oo ay u mareen hanaankii loogu talagalay.