XOG: Farmaajo oo amray in xilka laga qaado Agaasimayaasha Warbaahinta Dowladda

Ilo xog ogaal ah oo ka kala tirsan Villa Somalia iyo Wasaaradda Warfaafinta ayaa ii xaqiijiyay in Madaxwayne Farmaajo uu Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe ku amray in is bedel degdeg ah lagu sameeyo agaasimayaasha Wasaaradda Warfaafinta.

Is bedelka oo la filayo in maalinta barri ah lagu dhawaaqo ayaa la qorsheeyay in laga billaabo agaasimaha guud ee wasaaradda Naasir Xuseen, iyadoo kadibna raaci doonaan agaasimayaasha qeybaha warbaahinta sida TV-ga Qaranka, Radio Muqdisho iyo SONNA.

Warbaahinta Qaranka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay qaadatay siyaasad tifaftir oo dhexdhexaad ah iyada oo baahineysay hadallada siyaasiyiinta mucaaradka ah. Madaxweyne Farmaajo oo arrinkaan aad u dhibsaday ayaa haddii uu tallaabadan qaado waxay ka hor imaaneysaa xeer uu Ra’iisul Wasaare Rooble soo saaray oo sheegayay in aan agaasimayaasha guud wax isbedel ah lagu sameyn karin.

Tallaabadan ayaa laga baqayaa in ay dhaliso xiisad siyaasadeed maadaama awoodda ugu badan ee ololaha doorashada soo socota uu noqonayo Warbaahinta.