Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabanaya Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa maanta dib ugu laabanaya magaaladda Kismaayo, kaddib socdaal qaatay 11 maalmood oo uu ku joogay Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa kamid ahaa Madaxdii ka qeybgashay Shirkii wada-tashiga Qaran ee doorashooyinka, kaas oo lagu xaliyay caqabadihii hortaagnaa fulinta heshiiskii 17-kii September.

Idilnews