Deni iyo Axmed Madoobe oo diiday xaflad uu Farmaajo ku qaban lahaa Villa Somalia

Madaxweynayaasha Puntland H.E Said Abdullahi Deni iyo Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa iska diiday ka qeybgalka munaasabad ka dhici laheyd Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, iyagoona isaga soo dhoofay maanta.

Munaasabadda oo la baajiyay ayaa ujeedada lagu sheegay mahadcelin iyo maamuus uu Madaxweynaha muddo-xileedka dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo u sameynayo Madaxdii ka qeybgashay Shirka wada-tashiga qaran ee dhowaan lagu soo gaba-gabeeya Muqdisho, laguna xaliyay caqabadihii hortaagnaa hirgalinta doorashada.

Said Abdullahi Deni iyo Ahmed Mohamed Islaam, ayaa la sheegay in ay ka cudur daarteen tagista Madaxtooyadda, sababo la xariira Amnigooda, sida ay Idilnews u sheegeen saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Jubbaland.

Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa haatan ku jira go’doon siyaasadeed, tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu Awooda doorashada ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, waxaana lagu sheegay munaasabadan mid uu doonayay inuu ku muujiyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed.

Idilnews.