Gen. Xijaar “Booliska Soomaaliyeed waxay u diyaar-garoobeen sugida Amniga doorashada” (VIDEO)

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Guddiga amniga doorashooyinka ay u diyaar garoobeen sugida amniga doorashooyinka Soomaaliya ee dhawaan heshiiska lag gaaray.

Taliye Xijaar waxaa uu hadalkiisa u intaasi ku daray in gudiga amniga oo ka kooban dhamaan Hay’adaha Amniga Soomaaliya & booliska AMISOM la sameeyay Bishii Agoosto ee sanadkii 2019-kii , isla markaana Shaqooyin dhowr ah uu qabtay.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in Guddiga uu ka qeyb qaatay sugida amniga doorashooyin ka dhacay qaar kamid ah dowlad Goboleedyada, qaarkodna ay booqasho ku tageen sida, Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn taliye Xijaar waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska Soomaaliya ay awood u leeyihiin sugidda amniga doorashada ayna mas’uul ka yihiin Amniga dadka wax dooranaya, kuwa la dooranayo iyo Goobta ay doorashada ka dhaceyso.

Warkan kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli heshiis laga gaaray todobaadkii hore murankii ka jiray doorashada Soomaaliya lana fulayo inay dhawaan bilaabato.