Kenya oo sheegtay in masuuliyiin kamid ah DFS ay si dhuumaaleysi ah ku tagaan Nairobi (Akhriso)

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in diyaaradaha UN-ka ay si dhuumaaleysi ah ugu raacaan Nairobi masuuliyiin kamid ah Dowladda Soomaaliya, xilli Kenya ay joojisay duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa looga digay Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadamnimo inay ka fogaadaan qaaditaan masuuliyiinta DFS, iyadoona ku hanjabtay in hadii ay dhacdo ay kusoo rogeyso xayiraad.

Jibril Qoobey