Lamaanayaasha Shiinaha oo loo ogalaanayo inay dhalaan 3 carruur ah

Shiinaha ayaa ku dhawaaqay in lamanayaasha dalkaas loo ogolaaday inay dhalin karaan saddex carruur ah kadib tirakoob dhawaan la sameeyay uu muujinayay in hoos u dhac uu ku yimid tirada carruurta dalkaas.

Tallaabadan ayaa meesha ka saareysaa sharciga lamanayaasha u ogolanayay inay heysan karaan labo carruur ah.

Warbaahinta Shiinaha ayaa ku warrantay in go’aanka uu ansixiyay madaxweyanaha Shiinaha Xi Jinping xilli uu ka qeybgalayay kulan ka dhacay halkaas.

Ma kala cadda xilligga uu si rasmi ah u dhaqangalayo xeerkan.Shan sano ka hor ayay aheyd markii Shiinaha uu meesha ka saaray sharci u ogolaanayo dadka inay dhali karaan hal canug si looga hortaggo tirada dadka ee sii badaneysay.

BBC