Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo laabtay Garoowe

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho kaga qeybgalay Shirkii arrimaha Doorashada Soomaaliya ee lagu heshiiyey ayaa galabta kusoo laabtay Garoowe.

Madaxweyne Deni oo muddo ku mashquulsanaa Khilaafka Siyaasadeed ee kala dhexeeyay DFS iyo Arrimaha doorashooyinka, ayaa maalmaha soo socda Isbedel ku sameynaya Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hoggaamiyo, iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Puntland.

Jibril Qoobey