Midowga Musharixiinta oo maanta gudbinaya xubnaha ay diidan yihiin ee Guddiga Doorashooyinka

Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta u gudbinaya Xafiiska Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble xubnaha Guddiga farsamada doorashooyinka ee ay horey uga muujiyeen cabashada, kuwaas oo ku jira Guddiyada labada heer ee Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada.

Xubnaha Midowga Musharixiinta ay gudbinayaan oo la sheegay inay gaarayaan ilaa 20, ayay ku eedeeyeen inay kamid yihiin shaqaalaha Dowladda iyo Hay’adda Nabad-sugida ee NISA.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay guddi heer wasiiro ah oo baaris ku sameynaya xubnaha cabashada laga gudbiyo, iyadoona intaas kaddib lagu sameynayo isbedel, sida uu dhigayo heshiiskii dhowaan ay wada gaareen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Jibril Qoobey