Nigeria: Koox afduubatay Arday dhiganaysay iskuul islaami ah

Saraakiisha Nigeria ayaa sheegay in dabley hubeysan ay afduubteen arday badan oo dhiganayay iskuul Islaami ah oo ku yaal Nigeria – waana weerarkii ugu dambeeyay ee noocan ah ee lagu qaado iskuullada.

Maamulka gobolka Niger ayaa BBC-da u xaqiijiyay in dablay hubaysan ay gacanta ku dhigeen arday aan tiradooda la aqoon oo ka tirsan iskuulka ku yaal magaalada Tegina maalintii Axada.

Macallin ayaa u sheegay BBC-da in 150 arday la la’yahay, halka warar kalena ay sheegayaan in tirada ay gaareyso illaa 200.

Afduubyada madaxfurashada lagu raadinaya ayaa ku soo badanaya gobollada woqooyi.

Bishii Febraayo ku dhowaad 300 oo gabdhood ayay rag hubeysan ka kaxeysteen iskuul ku yaal magaalada Jangebe, ee gobolka Zamfara. Intoodii badnayd waa lasii daayay.