Shacabka Somaliland oo maanta u dareeraya codbixinta doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo deegaanka

Shacabka Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah u dareeraya codbixinta doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka Somaliland, taas oo ka bilaabanaysa guud ahaan deegaanada Somaliland

Doorashada ayaa waxaa isku diiwaangashay dad ka badan hal malyan (1,065,846), iyadoo codadka laga dhiiban doono 2,709 goobood, waxaana ku tartamaya 798 Musharax, oo ka kala socda saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI.

552 kamid ah musharixiinta ayaa u taagan Golayaasha deegaanka ah, halka 246 oo kamid ah ay u tartamayaan Golaha Wakiillada Somaliland oo ka kooban 82 Xildhibaan.

Isu socodka gaadiidka Somaliland ayaa la joojiyay laga bilaabo 4:00am subaxbimo ilaa 6:00pm fiidnimo, marka laga reebo kuwo guddiga doorashada.

Doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha Wakiillada iyo deegaanka ee Somaliland ayaa waxaa goob-joog ka ah illaa 50 kor-jooge oo ka socda 10 dal oo kamid ah qaaradda Afrika, Ururo caalami ah iyo dalalka Reer Galbeedka.