Akhriso: Magacyada xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee cabashada laga gudbiyay

Guddiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaadsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble u saaray xaqiijinta xubnaha cabashada laga qabo ee Guddiyada Doorashooyinka ayaa soo bandhigay magacyada xubnaha ay cabashada ka muujiyeen dhinacyada siyaasadeed iyo noocyada cabashada laga muujiyay.

Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in soo gaareen 67 xubnood.