Diiwaangalinta codbixiyaha Doorashada ee degmadda Qardho oo lasoo gaba-gabeeyay

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay soo gaba-gabowday diiwaangalinta codbixiyaha ee ka socotay degmadda Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, taas oo laga sameeyay Gudaha magaaladda, deegaanada iyo miyiga hoostaga.

Diiwaangalinta codbixiyaha ee degmadda Qardho ayaa socotay muddo 17 maalmood ah, kaddib markii 4 cisho lagu kordhiyay waqtigii loogu talagalay oo ahaa labo todobaad. Dadka maanta diiwaangalinta lagu soo afmeeray ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni.

Guddiga TPEC ayaa sheegay inay guda gali doonaan tirinta dadka isdiiwaangashay iyo samaynta kaararkooda, waxaana ay intaas ku dareen in dhawaan xubnaha sare ee Guddigu ka fariisan doonaan astaynta mudada ay qabsoomi doonto doorashada horudhaca ah ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn.

Gudoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ee (TPEC) Guuleed Saalax Barre, ayaa uga mahadceliyay shaqaalaha diiwaangalintu shaqadii adkayd ee ay soo qabteen iyo dhabar adaygii ay sameeyeen mudaday shaqadu socotay.

Idilnews