Madaxweynaha Puntland oo isku diiwaangaliyay doorashada Golayaasha deegaanka (VIDEO)

Madaxweynaha Puntland ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KaahH.E Said Abdullahi Deni, ayaa saaka iska diiwaangaliyay seejada xaafadda Kaambo ee degmada Qardho si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee soo socota.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Guddiga Doorashada iyo guud ahaan Howlwadeenada diiwaangelinta, Ciidamada amniga sugaya iyo saxaafada. Wuxuuna ku dhiirigeliyay qeybaha kala duwan ee bulshada in laga wada qeybqaato hirgelinta qorshaha Dowladda ee ah in awooda shacabka loo dhoweeyo oo shacabku ay madaxdooda doortaan.

Hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo hadda guuleystay, wuxuu ka mid ahaa yoolashii uu ballan qaaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, Bulshada Puntland ayaana aad usoo dhoweysay in laga dhabeeyay nidaamka doorasho ee hal qof iyo hal cod.

Idilnews