Maxaa ka jira in DF Soomaaliya ay la kala safatay dalalka Itoobiya, Masar iyo Sudan ?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa beeniyay in Soomaaliya ay la kala safan tahay Dowladaha Masar, Suudaan & Itoobiya.

Socdaalka uu ku tagay Magaalada Qaahira waxa uu ku tilmaamay in aanay ka dhigteen in Xukuumadda Muqdisho ay garab u tahay dhiggeeda Masar balse arrimaha gaarka ah ee labada dal uu ku qotomo.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka madax-bannaan tahay is qabqabsiga Dowladaha xiriirkoodu xumaaday balse dal weliba ay ula tacaamuleyso danaha gaarka ah ee ka dhaxeeya sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu meesha ka saaray tuhunka la xiriira in Soomaaliya ay garab u muujineyso dhinac kamid ah dalalka cilaaqaadkoodu aanay wanaagsaneen iyada oo laga tusaale qaadanayo socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka.

“Safarka aan ku tageyno waddan kuma xirna xiriir Dal kale kala dhaxeeya, balse safarkeena waxa uu la xiriiraa oo uu ku saleysan yahay xiriirka naga dhaxeeya” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.