Somaliland oo beenisay inay Puntland ka qabatay sanaaduuq doorasho (VIDEO)

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo saxaafadda kula hadlay Hargeyso ayaa beeniyay war kasoo baxay Puntland oo ahaa inay qabatay sanaaduuq doorasho oo Somaliland ay ugu talagashay Gobalada Sanaag iyo Cayn.

Wasiirka ayaa sheegay in ujeedada ciidanka Puntland ay carqalad abuur ahayd laakiin anay jirin sanaduuq ay qabsadeen.

“Wax ka jiraa majiraan, waa kuwii maamulka gobolka sanaag ka hadleen, nimankaasi niman carqalad abuuraya ayay ahaayeen, marka arrintasi way dagantahay wax dhibihina kama jiro” ayuu Wasiir Kaahin.

Sida uu baahiyay Telefishinka ku hadlay afka Xukuumadda Puntland, Ciidanka Daraawiishta Puntland ee ka howlgalla gobalada sanaag iyo cayn ay gacanta ku dhigeen sanaaduukh iyo kararka codbixinta doorashooyinka Somaliland.