Tirinta codadka doorashada Somaliland oo socota

Waxaa shalay si habsami leh u soo gaba-gabowday doorashadii goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee Somaliland, iyadoo dadweynuhu ay sugayaan ku dhawaaqista natiijada doorashadan.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda soo gaba-gabeeyaan tirinta codadka doorashada ee gobollada qaar, iyaga oo ku dhawaaqi doona natiijooyinka kama dambeysta ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleysto aqlibiyadda kuraastii loo tartamay.

Xog laga helay doorashada Somaliland ayaa sheegeysa in qiyaastii 55% codbixiyeyaasha is diiwaangaliyay ay da’doodu ka yareyd 25-jir. Sidoo kale 53% codbixiyeyaashu ay ahaayeen rag, halka 47% ay dumar ahaayeen.