Wasiirkii Gaadiidka Ugandha oo lagu dhaawacay bartamaha Kampala (Sawirro)

Wasiirkii Gaadiidka dalka Ugandha Jen. Katumba Wamala oo horey usoo noqday Taliyaha ciidanka Difaaca Uganda, ayaa lagu dhaawacay weerar dabley hubeysan ay ku qaaday gaarigiisa, xilli uu marayay xaafadda Kiasasi ee magaaladda Kampala.

Weerarka ayaa sidoo kale waxaa ku geeryooday gabar uu dhalay Wasiirka iyo darawalkiisii, sida ay sheegtay warbaahinta dalka Ugandha.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa baahisay Sawirrada gaariga Jen. Wamala oo ay xabbado ku yaalaan iyo mid kale oo muujiyay Jeneraalka oo dharkiisa ay dhiig badan ka muuqdaan, isagoo markaa taagan, xaaladiisa ayaa hadda lagula tacaalaya isbitaal Kampala ku yaalla.

Ma cadda cidda weerarka geysatay. Jen. Katumba Wamala ayaa waxaa uu mar hoggaaminayay ciidankii lugta Uganda ee qeybta ka ahaa AMISOM oo 2007 ka howlgallayay Soomaaliya.