Xildhibaan Dhaashane oo ka qeybgalay kulan looga hadlayey Iibka & Qandaraasyada Puntland (Sawirro)

Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane, oo ka tirsan Guddiga Hawlaha Guud, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa ka qeyb-galay kulan looga hadlayey Iibka & Qandaraasyada.

Kulankaan oo Ujeedadiisa aheyd tallo soo jeedin sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hor-taagan wax-qabadka Hay’adda iibka iyo Qandaraasyada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Ahna Agaasimaha ku xigeenka guud ee Maamulka iyo Maaliyadda Mudane, Keenadiid Cali Jaamac iyo Guddoomiyaha Hay’adda Iibka & Qandaraasyada Mudane, Mowliid Abkey

Dhinacyada ayaa isla qaatay in dar-dargeliyo shaqada Hay’adda iibka iyo Qandaraasyada Puntland.