Baarlamaanka Jubbaland oo ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland (VIDEO)

Kulan ay maanta isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland islamarkaana uu shir gudoominayay Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa waxaa lagu ansixiyay Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxaemd Islaam.

Isu-imaatinkaan ay maanta Baarlamaanku ku ansixinayeen Xukuumadda cusub ayaa waxaa soo xaadiray kooramka 51 mudane oo Baarlamanka Jubbaland ka tirsan waxaa ansixiyay Xukuumadda Cusub 50 xildhibaan wax diiday majirin waxaana Ka aamusay 1 xilibaan oo kaliya sidaasna waxaa ugu dhawaaqay in xukuumadda Cusub ansax tahay Gudoonka Golaha wakiiladda Jubbaland Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Markii uu soo dhamaaday kulanka Baarlamaanka Jubbaland ay maanta ku ansixinayeen Xukuumadda Cusub ee Jubbaland ayaa waxaa warbaahinta lahadlay Gudoomiyaha gudigga hab-dhowrka Baarlamaanka Jubbaland Mudane Xildhibaan Shukri Wayrax Kaariye kaasoo sheegay in ajanduhu ahaa ansixinta Xukuumadda Cusub sidaasna lagu ansixiyay.

20-kii Bishii aynu ka soo gudubnay ee May ayey ahayd markii Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam uu soo dhisay Xukuumadda Cusub oo ka kooban Gole Wasiiro wasiir ku-xigeeno & wasiiru dowlayaal kuwaas oo haatan si rasmi ah u shaqo bilaabi doona kadib markii la dhaariyo maalmahan inagu soo Wajahan