Gaalkacyo: Maxkamadda sare ee Ciidanka Puntland oo fariisanaysa kiiska Rag kamid ah Al-Shabaab

Maxkamadda Sare ee Ciidanka qalabka sida ee Puntland ayaa maanta u fariisanaysa dhageysiga doodda 5 Nin oo kamid ah Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo horey Maxakamadda darajada kowaad ay ugu riday xukun dil ah.

Raggan 5 ah oo kamid ahaa Shabakadii uu horjoogaha u ahaa Feysal Gujis, ayaa soo dhameystay mudadii racfaanka oo aheyd 30 berri.

Jibril Qoobey