Gen. Mahad “Rasaasta lagu furay gaariga Madaxweyne Xasan ku talagal ma aheyn” (VIDEO)

Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo saxaafadda kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa ka warbixiyay Rasaas ay Ciidammo katirsan Asluubta ay maanta ku fureen gaariga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo kolonyo gaadiid ah oo la socotay.

Gen. Mahad ayaa sheegay in rasaasta lagu furay gaariga Madaxweyne Xasan Sheekh aysan aheyn ku talagalay ayna ka raali galinayaan, waxaana uu intaas ku daray inay baaris ku sameyn doonaan.

“Ma ahayn wax lagu talagalay rasaastii lagu furay gaariga Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, waana ka raalli-galineynaa” ayuu yiri Gen. Mahad Cabdiraxmaan.

Jibril Qoobey