Madaxweyne Deni oo magacaabay xubnaha Puntland ku matalaya Guddiga heer DG

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS u gudbiyay magacaabista xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee heer Federaal (SEIT), kuwaas oo ka kooban 8 xubnood.

Puntland ayaa noqotay Dowlad Gobaleedkii labaad ee soo magacaaba Guddiga labada heer ee doorashooyinka, iyadoo Jubbaland aheyd maamulkii u horreeyay.

Jibril Qoobey.