Midowga Africa oo laalay xubinnimadii dalka Mali

Midowga Africa ayaa si kumeel gaar ah u joojiyay xubinnimada dalka Mali ee ururkaas, waxaana tallaabadaas ay jawaab u tahay afgambigiu uu militarigu ku qabsaday dowladdii dalkaas todobaadkii la soo dhaafay.

Bayaan kasoo baxay Midowga Africa ayaa lagu sheegay in Mali ay la kulmi doonto cunaqabateyn dheeraad ah, haddii militarigu aanu awoodda dib ugu soo celin dowladdii rayidka aheyd.

Militariga ayaa asbuuci hore xiray, madaxweynihi ku meel gaarka ahaa Bah Ndaw iyo Ra’isul Wasaarihiisii Moctar Ouane, kaddibna ku cadaadiyay in ay iscasilaan, arrintaas oo dhabarka ka jabisay dadaalladi lagu doonayay in dalka galbeedka Africa lagu gaarsiiyo doorasho dimoqraadi ah sideed bilood kaddib marki ay isla militarigu afganbi awoodda uga tuureen madaxweynihi hore ee dalkaasi Abubakar Keyta.

Urur goboleedka ECOWAS ee Galbeedka Africa ayaa isna Axadi Mali ka joojiyay xubinnimada ururkaasi.