Puntland iyo Hay’adaha UNPD & UNSOM oo ka wada-hadlay tayeynta Booliska (Sawirro)

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland. Mudane Cabdulaahi Cabdisalaan Xassan Ayaa shir Gudoomiyay kulan Dhex Maray Madaxda wasarada & Madax ka socotay Hay,adaha UNPD & UNSOM.

Ujeedka kulanka ayaa Kulan Looga wada hadlay arimaha mashruuca kor u qaadida tayada iyo xirfada shaqaalaha Wasaaradda Amniga ee JSSGP.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay mashruuca tayaynta Booliiska Puntand ee JPP-CB Project taas oo la isku raacay in la dardargaliyo hawlaha hormarinta iyo tayaynta Booliiska Puntland.

Agaasimaha guud iyo lataliyaasha Wasaaradda ayaa ka qeyb galay dhinaca hay,adaha ayaa Tarmo iyo Doel oo ka kala socda UNSOM iyo UNDP Madaxa UNDP ee Puntland Muse Ducale ayaa sidoo kale kulanka Qayb kaqayb galay.

Masuuliyiinta Labada dhinac ayaa isku Afgartay sidii loo dhaqaajin lahaa qorshayashaan ay maanta kawada hadleen.