Puntland oo ka hirgalisay degmadda Caluula xarunta baarista iyo daaweynta Qaaxada (Sawirro)

Wasaarada Caafimaadka Puntland , ayaa dagmada caluula ka daah furtay adeega qaaxada ayaa lagu soo kordhiyay isbitaalka dagmada caluula oo loogu talagalay barista iyo daaweenayo Cudurka Qaaxada, xaflad kooban kooban oo kadhacday isbitaalka dagmada caluula taariikhdu markay ahayd 1-6-2021.

Xaflada waxa ka qayb galay barasaabka gobolka Gardafu, duqa degmada Alula, Isuduwaha Caafimaadka gobolka kan Degmada, shaqaalaha iyo maamulka caafimadka degmada iyo isu duwaayaasha wasaaradaha kalumaysiga iyo waxbarashada, odayaal iyo haween, Haayadaha taageera mashruuca .

Adeegan oo ay wasaarada ugu talo gashay baahinta adeegyada caafimaadka ayaa waxa iska kaashaday Haayada World Vision mashruuca Global fund iyo Wasaarada caafimaadka xaflada ayaa ugu horeyn waxa furay gudomiyaha degmada caluula wuxu bogaadiyay hawlaha wasaarada ay ku dooanyso inay hirgeliso Nidaam caafimaad oo baahsan dhamaan gobolada dalka iyadoo mudnaanta siinaysa degmooyinka fog fog .
waxaa sido kale ka hadlay isu duwaha caafimaadka gobolka Gardafuu oo dhiri geliyay adeega in laga faaideysto sidoo kale uga mahad celiyay wasaradda adeegyada cusub ee ay so kordhisay sida xarunta qaliinka hooyada oo dhowaan laga daahfuray cusbitaalka iyo adeegan cusub ee barista iyo daaweynta qaaxada.

Sidoo kale waxaa waftiga wasaarada Caafimaadka u hadlay Dr Mohamud oo faahfaahiyay shaqada qaaxada iyo agabka cusub ee la keenay kuna booriyay in laga faaideysto sidoo kale ay weheliyaan afar tuulo oo hoos yimaada caluula in laga qoray marwo caafimaad oo taageraysa xawiladda iyo wacyi gelinta qaaxa .

Waxa kale oo ka hadlay madaxa odayasha iyo gudiga caafimadka oo bogaadiyay hawlaha caafimaadka ay wasarada qabato si gaarana ugu duceyay wasiirka iyo Hawl wadeenada wasaarada caafimaadka , waaxda ladagaalanka Cudurka Qaaxada.

Waxa xafladda so xiray gudoomiyaha gobolka Gardafuu oo isna u mahad celiyay Wasaarada caafimaadka Puntland adeegyada kala duwan ee ay ka wado dhaman gobolka Gardafuu dhan kasta wuxu sido kale u mahadceliyay Haayda World Vision iyo waftiga safarka dheer soo galay ee keenay adeega barista iyo daweynta Qaaxada.