Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay xaaladda Tigray

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa sheegtay in ka badan boqolkiiba sagaashan dadka ku nool gobolka Tigray ee Itoobiya ay u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah.

WFP ayaa sheegtay inay u baahan tahay laba boqol oo milyan oo doolar si ay gacan uga geysato quudinta in ka badan shan milyan oo qof oo halkaas ku nool.

Boqolaal kun oo qof oo Tigree ah ayaa horeyba ugu baahnaa gargaar cunno kahor intaanay bilaaban colaadu ku dhawaad 7 bilood kahor.

Tan iyo markaa wixii ka dambeeyayna tirada ayaa sare u kacday iyadoo Qaramada Midoobay Toddobaadkii la soo dhaafay ay ka digtay halis macluul haddii aan la kordhin gargaarka.

Iyadoo heerarka nafaqo-darrida ay sii kordhayaan WFP waxay ku baaqday xabad-joojin si loo helo marin dadka tabaaleysan loogu gaarsiiyo gargaar.

Mar sii horreysayna Britain ayaa ka digtay in waqooyiga Itoobiya ay ka jirto halis macluul oo ba’an, Ergeyga gaarka ah ee UK ee kahortaga macluusha, Nick Dyer, ayaa qiimeyntan sameeyay mar uu booqday gobolkaas ay colaadda saameysay. Mr Dyer wuxuu xaaladdan ku tilmaamay mid musiibo ah, isagoo tusaale u soo qaatay nabadgelyo xumo iyo burbur soo gaadhay qalabkii beeraha iyo goobaha caafimaadka.