Wasiirka Arrimaha Dibbada DFS oo ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya (VIDEO)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay xiriirka u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo dowlada Kenya.

Maxamed Cabdirasaq Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa sheegay in uu socdo dadaalo sare loogu soo qaadayo xiriirka ka dhexeeya labada wadan ee deriska ah.

“Waxaa aan kuu xaqiijinayaa in uu jiro dedaal lagu doonayo in sare loogu qaado xiriirka labada dal balse dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay inay ilaaliso xoriyadeeda.” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo u waramayay warbaahinta dowlada.

Warka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli ay dowlada Kenya ku hanjabtay inay joojineyso duulimaadyada ay hayadaha samafalka adeegsadaan iyadoo hore duulimaadyada u dhexeeyay labada dal ay u joogsadeen.