Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Puntland oo booqday dekedda Boosaaso (Sawirro)

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa Kormeer u kuur-gelid ah ku tagay qaybaha kala-duwan ee Dekadda weyn ee Boosaso.

Kormeerka Guddiga ayaa waxay warbixino kaga dhageysteen Maamulaha Furdada Dekadda Boosaaso Maxamed Yuusuf iyo saraakiisha amniga. Guddiga ayaa ka xog wareystay shaqooyinka Dekadda, habka Dakhliga loo aruuriyo, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed, waxayna ka dib su’aalo ka weydiiyeen masuuliyiinta arrimahaas.

Xildhibaannada ayaana kula dardaarmay masuuliyiinta ay la kulmeen in dakhliga loo aruuriyo si hufnaan-leh, waxaana Kormeerkan Guddiga uu qeyb ka yahay shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada DPL sida uu qabo Qodobka 64aad Dastuurka.