Degmadda Jariiban ee Gobalka Mudug oo loo dhisayo Maamul cusub (VIDEO)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku gaaray Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo uu wehlinayo Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada Deegaanka sidoo kalena waxa uu gudoomiyuhu Shaaciyey wakhtiga la dhisayo Golaha Deegaanka Degmada Jariiban.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay mudo 7maalmood gudahood in ay keenaan araajida musharaxiin sidoo kalena maalmo kooban gudahoodna lagu dhawaaqi doono Golaha Deegaanka Degmada Jariiban.