Diyaaradaha Kenya oo duqeymo ka fuliyay deegaano kamid ah Gobalka Gedo

Ugu yaraan labo ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhacay deegaanka Ceel-Cade ee gobolka Gedo.

Duqaynta oo loo malaynayo in ay gaysteen diyaaraha dagaalka dalka Kenya ayaa haleeshay qoys xoolo dhaqato ah, waxaa halkaa ku dhintay hooyadii iyada ilmo yar iyadoo ay ku dhaawacmeen 5 caruur ah oo ay dhashay.

Deegaanada duqeynta ay ka geysteen ciidamada Kenya ayaa waxaa ka mid ah Ceelcade, Likooley , laheley, Warburay, Burcaleen, Dhamase, Wargaduudo, Qulqul shubaal, Balanbaal, Muudale, Abroone, Buusaar, Qows qurun & Darusalam iyo qaar kale.
Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dadka wax ku noqday duqeyntan ay intaa ka badan tahay.

Duqayntan ayaa waxaa ay ku soo beegmeysa xilli xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo kenya uusan wanaaganayn.

Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa goboladda Jubooyinka iyo Gedo ka gaysta duqaymo aysan u aabayeellin maadaama ay dhowr mar oo hore ay duqayn ku dileen dad xoollo dhaqo ah.