Gen. Mahad “Madaxweynihii hore Ciidanka Asluubta raalli-galin ayay ka rabaan” (VIDEO)

Taliyaha Ciidanka Asluubta DFS Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo goor-dhaweyd Shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho, ayaa ka dalbaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu raalli-galin ka bixiyo hadalada sheegay in Ciidanka Asluubtu ay shalay rasaas ku fureen gaarigiisa iyo kolonyo la socotay.

Gen. Mahad ayaa sheegay in Wadada Ciidanka Asluubta ay degan yihiin ee Arbacadii lagu rasaaseeyay Madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay tan ugu amaanka badan Muqdisho, waxaana uu intaas ku daray in Rasaasta lagu furay Madaxweynaha aysan aheyn ku talagal, ayna sababteeda lahaayeen istaafkiisa.

“Dalka waxa yaala waad ogtihiin, wadada kaliya ee ugu nabad-galyada badan waa halaha yarka ah ee Ciidanka Asluubtu degan yihiin, cidii maraysana waa inay isa sheegto, Madaxweynihii hore ee yiri anaa lay dan lahaa raali galin baan ka rabnaa” Taliyaha Ciidanka Asluubta DFS Gen. Mahad Cabdiraxmaan.

Hadalka Gen. Mahad ayaa imaanaya xilli shalay uu ka badbaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud rasaas ay ku fureen Ciidanka Asluubta, xilli uu marayay wadada hor marta Maxkamadda Gobalka Banaadir.