Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay magaaladda Kismaayo.

Bam-gacmeed ayaa xalay lagu tuuray goob ay ku sugnaayeen Ciidammo katirsan Booliska Jubbaland oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray dad shacab ah.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay 7 Ruux oo shacab ah, oo ka agdhawaa goobta bam-gacmeedka lagu tuuray oo uu yaallay kantarool ay Ciidanka Booliska Jubbaland ku baaraan gaadiidka, waxaana dadkan la geeyay Isbitaalka weyn ee Kismaayo, oo haatan lagula tacaalayo xaaladooda.

Ciidammada Booliska Jubbaland oo gaaray goobta ayaa bilaabay howlgallo lagu baarayo dadkii ka dambeeyay Qaraxan. Taliyaha Ciidanka Booliska Jubbaland Maxamed Cabdi Sheekh (Xujaale) ayaana sheegay in howlgaladu weli socdaan loona soo bandhigayo shacabka wixii lagu soo qabto.