Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay geerida Danjire Yuusuf Al-Azhari

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Danjire Yuusuf Cumar Axmed (Al-Azhari), oo xalay ku geeryooday magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland.

“Waxaan ka tacsiyeynaya geerida Alle ha u naxariisto Danjire Yuusuf Cumar Axmed Al-Azhari, oo ku geeriyooday Garoowe. Wuxuu ahaa diblumaasi Soomaaliyeed oo dalkiisa iyo dadkiisa usoo shaqeeyay, wuxuu door muhim ah kasoo qeyb qaatay dhismihii Puntland iyo raadinta dowladnimada Soomaaliya.”

“Marxuumka alle janadii ha geeyo, waxaan Tacsi u diraya dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada Puntland, Eheladii iyo qoyskii uu ka baxay.”

Jibril Qoobey