Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray magaaladda Jowhar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa goor-dhaweyd gaaray magaaladda Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle, oo ku jirta go’doon ka dhashay fatahaadaha webiga Shabelle.

MMadaxweynaha Hirshabelle Ali Gudlawe Hussein oo shalay dib ugu laabtay magaaladda Jowhar, ayaa ku soo dhoweeyay magaalada Jowhar, iyadoo diyaarad helikabtar ah ay ka soo dejisay Ra’iisul wasaaraha saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin dhinaca Bari ee magaalada Jowhar.

Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaare Roble ee Jowhar, ayaa lagu sheegay inuu u kuurgalayo xaalada ka dhalatay fatahaadaha Webiga Shabelle ee magaaladaas iyo xalinta khilaafka ka dhashay doorashadii Madaxweyne Ali Gudlawe Hussein.