Soomaaliya oo laga joojiyay inay cod ku yeelato fadhiga Golaha guud ee QM.

Soomaaliya ayaa weyneysa fadhiyada soo socda ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay inay wax cod ah ku yeelato fadhiyada Jamciyadda loo dhan yahay, maadama ay bixin weysay lacagihii deynta ahaa ee lagu lahaa.

Iran iyo Jamhuuriyada Africa dhexe iyo Jaziirada Comoros ayaa qeyb ka ah kuwa aan codka ku yeelan doonin fadhiyada Qaramada Midoobay yeelanayaan ilaa bisha September.

Dowladaha qaarkood ayaa lacagihii lagu lahaa ay dhafeen xadiga lacagta codeynta loogu talagalay inay siiyaan Qaramada Midoobay. Dalalkan ayaana lagu lee yahay 2 sanno, halka kuwa kalena lagu lee yahay muddo ka badan.

Iran deynta ku taagan waa 16,251,298, halka Jamhuuriyadda Africa dhexe lagu leeyahay 29,393 oo dollarka Mareykanka.