Wasiirka Dekedaha Puntland oo iska diiwaangaliyay deegaanka Tisjiic ee degmadda Ufeyn (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cusmaan Majiino, ayaa maanta iska diiwaangaliyay Tisjiic ee ka Tirsan Degmada Ufeyn ee Gobolka Bari, oo ay ka socota diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka Puntland.

Wasiir Majiino oo isaga iyo Waft uu hoggaaminayo ay gaareen deegaanka Tisjiic, ayaa sidoo kale kormeeray goobaha ay ka socoto diiwaangalinta codbixiyayaasha kulan la qaatay Shacabka iyo Waxgaradka deegaanka.

Wasiirka Dekedaha Puntland ayaa bulshada Deegaanka Tisjiic ku bogaadiyey doorka ay ka qaateen diiwaangelinta, waxaana inta hartay uu ku dhiirigaliyay inay soo baxaan oo ay is diwaan-galiyaan si ay u doortaan qof ay rabaan.

Jibril Qoobey